BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Disembar, 2008, 12:41 GMT; 15:41 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Cabdullaahi iyo Cadde oo jooga Djibouti
 

 
 
Yusuf iyo Cadde
Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Abdullahi Yusuf iyo Cadde Muuse
Madaxweynaha dawladda KMG ah ee Somalia C/abdullaahi Yusuf Axmed iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ka degay caasimadda dalka Djabuti ka dib martiqaad sida la sheegay ay ka heleen Madaxweynaha Djibouti.

Labada Masuul ayaa waxaa la socday xubno ka tirsan barlamaanka dawladda KMG ah ee Somalia, safiirka Somalia u fadhiya Addis ababa, iyo wasiirka ganacsiga Puntland.

Socdaalka wafdigan ayaa u muuqda mid degdeg ah oo aan horay loo sii shaacin waxaana magaalada Garowe ka qaaday dayuurad khaas ah.

Inkasta oo aan faahfaahin laga bixin safarka deg degga ah ee labada Madaxweyne ayaa haddana waxaa la filayaa in ujeeddada socdaalkoodu yahay wadahadal la xiriira heshiiskii dhowaan lagu saxiixay magaalada Djibouti ee dhexmaray dawladda iyo mucaaradka.

Dhinaca kalana safarkani wuxuu ku soo beegmay iyadoo habeenkii xalay ahaa uu maamul goboleedka Puntland soo saaray hadal kulul oo uu ku diiddan yahay gebi ahaanba heshiiskii Djabuti.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin