|
Dhaqaatiirtii caafimaad ee ugu horeysay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xafladan qalinjebinta ardaydan oo isugu jiray dhaqaatiir, injineero iyo macalimiin ayaa waxaa lagu qabtay hotel Shamo ee magaaalada
Muqdishu, halkaasii oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan dowlada ku meel gaar ah iyo qeybaha kala duwan ee buslshada.
Xaladan oo aad loo soo agaasimay ayey waxey indhu si gaar ah u qabanayeen ardaydii qalin jebineysay oo si qurux badan u labisan, waxana ay isugu jireen 12 will iyo sided gabdhood. Waxaana markii danbe shahaado sharaf gudoonsiiyay kusimaha Ra’isul wasaaraha ahna wasiirka maalinyada dowlada ku meel gaarka ah Maxmed Cali xaamud oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay xaflada. Intii ay xafladu socotay ayaa waxaan dareenkooda wax ka weydiiyay qaar ka md ah ardaydii qalinjebineysay.
Sidoo kale waxaa halkaasi hadal qiira leh oo qof waliba taabtay ka soo jeediyay wasiir ku xigeenka wasaraadda Arimaha dibadda ee Dowlada ku meel gaarka ah C/kariin Axmed Cali. Waxaan isna ugu danbeytii dareenkiisa wax ka weydiiyay madaxa Jaamacadda banaadir oo ah halka ay ardadani ka aflexeen Dr Maxamed Macalin Muse. Ma aha markii ugu horeysay ee ay ardayi ku qalin jebiso sidan oo kale magaalada muqdishu, balse waxaa qalinjebinta manta
muhimad gaar ah u yeelay – baahidda ay buslshada Somalieed u qabto xilligan dhaqaatiir, iyo in Jaamacadda Banaadir ay noqotay
jaamacadii ugu horeysay ee ku guuleysata soo saaridda dhaqaatiir da’yar. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||