BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
03 Disembar, 2008, 05:02 GMT; 08:02 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dagaal ka dhacay degmada Guriceel
 

 
 
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay kooxo-diimeedyo
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay kooxo-diimeedyo
Dhimasho & dhaawac ayaa ka dhashay dagaal culus oo fiidkii Talaadada ka dhacay Guriceel halkaas oo ay kooxo diimeed ku dagaallameen. Dadaal lagu doonayo nabdda ayaa socda.

Guddoomiyaha degmada Guriceel, Cali Sheikh, oo BBC-da u warramay, ayaa sheegay inaan illaa haatan la hubin sababta keentay dagaalkan. Balse wuxuu qiray inuu dagaalku u dhaxeeyo laba kooxo diimeed.

Ilo madax bannaan ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku uu u dhaxeeyo malleeshiyo ka tirsan urur-diimeedka Al-Shabaab, iyo dabley raacsan ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaacah.

Guddoomiye Cali Sheikh, ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen dagaalka, dhaawac aan tiradiisa la hubinna uu jiro. Wuxuuna intaas ku daray inuu socdo dadaal ay wadaan odayaasha deegaanka, oo la doonayo inu lagu soo afjaro colaadda halkaas ka qaraxday.

Wuxuu sheegay in labada dhinac-ba ay ka aqbaleen baaq colaad joojin ah.

Wuxuu sheegay in koonfurta Somalia uu goor walba dhici karo dagaal xooggan.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin