|
Madaxweyne Yusuf oo baaq jeediyay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Madaxwaynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ugu baaqay wadamada badda cas ku yaalla in ay iska kaashaadaan sidii
burcad badeeda looga sifeeyn lahaa xeebaha gobolka.
Wuxuu gaar ahaan ugu baaqay dalalka Sacuudiga iyo Yemen oo maraakiib ay leeyihiin lagu haysto xeebaha Soomaaliya in ay ciidamadooda badda u soo diraan karaan xeebaha Soomaaliya si ay xoog ugu furtaan maraakiibta.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo u waramay telefishinka Al-Arabia, ayaa wuxuu kaloo ka hadlay ururka Al-shabaab ee haatan qaybo ka mid ah dalka qabsaday. Weriyaha BBC-da ee Qaahira, Abuukar Maxamed Cabdi, ayaa warbixintan nooga soo diray. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||