|
 |
|
| Joseph Kony waxa lagu eedeeyaa inuu galay danbiyo dagaal |
Hogaamiyaha Kooxda Mucaaradka ee Uganda LRA Joseph Kony ayaa mar kale ku guuldareystay inuu saxiixo heshiiskii nabada ee
kama dambeysta ahaa, kaasi oo lagu soo gabagabeyn lahaa 20 sano oo dagaal u dhexeeyay ciidamada Uganda iyo jabhadda LRA.
Heshiiska oo lagu saxiixi lahaa meel ku taala waddanak Congo gudihiisa ayaa Joseph Kony uu diiday isagoo si cad u sheegay
in aanu saxiixeyn inta uu dul saaran yahay ammarka maxkamadda dambiyada dagaalka ee ah in la soo xiro.
Cabdiraxmaan Cali Macalin oo ah sarkaal u dhashay waddanka Kenya oo hogaamiya ciidamada Midowga Africa ee kormeera gobolkaasi,
kuna hawlanaa heshiiskaasi ayaa isagoo jooga halka heshiisku ka dhici lahaa waxa BBC uu uga waramay dadaalka ay wadeen.
|