28 Nofembar, 2008, 13:53 GMT; 16:53 SGA
Weerar bam oo ka dhacay magaalada Baidoa ee xaruunta u ah baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ugu yaraan afar qof ilaa 15 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dad goob joog ahaa markii weerarku dhacayay ayaa waxay sheegeen in dabley aan la aqoon ay ku tuureen labo bam gacmeed bartamaha suuq ay dadku ku badan yihiin magaalada Baydhaba.
Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi yusuf ayaa bishan horaanteedii waxa uu sheegay in kooxaha islaamiyiinta ah oo awoodda laga tuuray laba sano ka hor y haatan gacanta ku hayaan inta badan koonfurta Somalia, marka laga reebo Baidoa iyo caasimada Muqdisho.