21 Nofembar, 2008, 13:35 GMT; 16:35 SGA
Mohamed Olad Hassan
BBC Mogadishu
Cidamada booliiska ee dowladda Somalia ayaa sheegay inay dileen 17 qof oo looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen kooxaha Islaamiyiinta, oo sida ay sheegeen doonayay inay dilaan sarkaal dowladda ka tirsan.
Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in rasaas culus ay dhexmartay ciidamada dowladda iyo koox hubeysan oo weerarka soo qaaday.
Dableyda ayaa la toogtay markii ay weerar ku qaadeen guriga uu degan yahay guddoomiye degmo oo ka tirsan Muqdisho oo la yiraahdo Ahmed Daaci.
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay qabsadeen oo ay gacanta ku hayaan dhamaan dekeddaha ugu waaweyn ee Koonfurta Somalia, iyagoo
gacantana ku haya goobo ku dhaw magaalada caasimada ee Muqdisho.