http://www.bbcsomali.com

Maxamed Ibrahim Macalimu
BBC Mogadishu

Baarlamaanka oo looga yeeray gudaha

Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ee Somalia Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in xubnaha baarlamaanka Somalia looga baahan yahay in todoobaadka soo socda ay isugu yimaadaan waddanka.

Adan Madoobe

Guddoomiyaha baaralamaanka Sheekh Adan Madoobe oo ka hadlayay shir uu u qabtay xubnaha baarlamaanka ee magaalada Baydhabo jooga ayaa waxa uu sheegay in loo baahan in tirada baarlamaanka ay tahay inay soo buuxsanto si loo gaaro go'aamo arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Hadalka Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmay, iyadoo uu sii weynaaday khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Cabdullaahi Yusuf iyo Nuur Xasan Xuseen, ee la xiriira dhisitaanka xubnaha golaha wasiirada.