http://www.bbcsomali.com

16 Nofembar, 2008, 22:29 GMT; 01:29 SGA

Yusuf Xasan
BBCSomali.com

R/W Nuur Cadde oo eedeeyey C/llahi Yusuf

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu caqabad ku yahay dadaalka nabada ee ka socda Djibouti, wuxuuna intaas ku daray in DKMG ay jiri doonto, isagoo taas uga jawaabayey hadalkii Madaxweynaha ee ahaa in dowladi aysan ka jirin dalka Soomaaliya.

Nuur Cadde

Golaha wasiirada

Ra'iisul Wasaare Nur Cadde oo shir jaraa'id ku qabtay safaaradda Somalia ee magaalada Nairobi, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kasoo horjeestay liis uu u magacaabay golaha wasiirada. Wuxuu sheegay inuu isagu liiskaas u soo xulay kaddib heshiiskii ay isaga iyo madaxweynuhu hore u gaareen.

Nuur Cadde ayaa soo bandhigay liiska 10 wasiir iyo 14 wasiir-ku-xigeen. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu golaha cusub soo hordhigi doono baarlamaanka, si ay ama u ansixiyaan, ama u diidaan.

Gobolka Banadir

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynuhu kasoo horjeedo in maamul loo dhiso gobolka Banadir, isagoo sheegay inuu rabo in dhammaan gobollada kale ee dalka maamul loo dhiso.