04 Nofembar, 2008, 10:39 GMT; 13:39 SGA
Yusuf Garaad
BBC London
24 oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo saddex qof oo u dhashay Ethiopia ayaa u dhintay, 31 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo waaweyn oo lala beegsadey goobo kala duwan oo ku kala yaala magaalada Hargeysa.
Barnaamijka Falanqeynta waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Ismaaciil Cirro iyo xubno kale oo fikirkooda ka dhiibanaya qaraxyadaasi iyo sida ay u arkeen.
Goobaha la weerarey ee magaalada Hargeysa waxa ka mid ah aqalka madaxtooyada, xafiis ay dowlada Ethiopia ku lahayd halkaasi oo qaabilsan xiriirka ganacsiga ee Somaliland iyo Ethiopia iyo xafiiska ururka Qaramada Midoobey ugu qaabilsan horumarinta ee UNDP.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah la-taliyihii madaxweynaha ee hay'adaha caalamiga ah Xuseen Afgaab, iyo Xubin Golaha Guurtida ka tirsan Maxamed Cismaan Libaaxo, xoghayaha xafiiska madaxtooyada ee Somaliland Daahir Cali Ciid iyo madaxii Nabadgelyada ee hey'adda UNDP xafiiska somaliland Axmed Cilmi Geelle.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Hargeisa, iyadoo ay dadku aad uga xun yihiin waxa dhacay, mas'uuliyiinta Somaliland iyo ciidamada booliiskuna ay dadka ugu baaqeen in laga shaqeeyo nabadgelyada.
Dadka ku geeriyoodey weeraradan waxaa ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan xafiiska UNDP ee magaalada Nairobi ayaa iyaguna xaqiijiyey
in weerarkii lagu qaadey xaafiisyadooda magaalada