BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
28 Nofembar, 2008, 13:26 GMT; 16:26 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Markab hor leh oo lagu afduubay gacanka Cadan
 
sirius star
Burcad baddeeda Somalia waxay weli heystaan markabka Sirius Star
Ciidamada badda ee Faransiiska ayaa sheegay in burcad badeed Soomaali ah ay qabsadeen markab siday alaabo kiimiko ah oo marayay gacanka Cadmeed.

Sarkaal u hadlay markab kuwa dagaalka ah oo Faransiisku leeyahay oo roondo ku sameeya biyaha gacanka Cadan ayaa sheegay in markabkaasi ay weerareen shan burcad badeed, isla markaana saddex qof oo ka tirsanaa shaqaalaha markabka ay ka baxsadeen burcadda markii ay biyaha badda isku tuureen.

Shaqaalahaasi ayaa waxa badbaadiyay diyaarad helicopter ah oo Jarmalku leeyahay.

Shaqaalaha markabka saarnaa ayaa intooda badan waxay u dhasheen waddanka India.

Dad u dhashay Bangladesh iyo laba British ah oo dhinaca ammaanka u qaabilsanaa ayaa iyaguna la sheegayaa inay saarnaayeen markabka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin