BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
27 Nofembar, 2008, 11:01 GMT; 14:01 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Manmohan Singh oo ka hadlay weerarrada
 

 
 
mumbai
Mid ka mid ah ragga weerarka ku qaaday Mumbai
Ra'iisul Wasaaraha India Manmohan Singh, ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay ka yimaadeen waddanka dibeddiisa, isla markaana ay doonayeen inay dhibaato ku abuuraan magaalada Mumbai.

Ra'iisul Wasaaruhu oo ka hadlayay telefishinka waddankaaasi ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa ay tallaabooyin xoog leh ay ka qaadi doonto sidii ay u xaqiijin lahayd in aanay mar kale dib u dhicin weeraradaasi oo kale.

iro dad ah oo lagu heystay laba hotel oo ku yaala magaalada Mumbai ayaaa laga sii daayay ragga hubeysan ee weerarada ku qaaday magaaladaasi, sida ay sheegeen dad goob joog ah.

Laakiin wali xaaladda hotelka Taj Mahal ayaa jahawareer uu ka taagan yahay, iyadoo dhawaaqa rasaasta iyo qaraxyo laga maqlayo hotelka gudihiisa.

Taliyaha booliiska ayaa sheegay in la aaminsan yahay in dableydu weli ay dad heystaan hotelka Oberoi.

Waxaa weeraro isku xiriirsan lagu qaaday qaybta dalxiiska iyo ganacsiga ee magaalada xarunta u ah dhaqaalaha dalka India ee Mumbai.

Weerarada, waxaa sheegtay koox aan horay loo aqoonin oo la yiraahdo Deccan Mujahideen.

Waxaa eegaya weriyaha dhinaca difaaca iyo amniga uga warama BBC, Rob Watson.

Weerarada oo bilowday Arbacadii ayaa waxa ku dhintay 101, iyadoo ay ku dhaawacmeen 287 qof.

Magaalada dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga xudunta u ah India ee Mumbai ayaa markale waxa ay noqotay mid u nugul kooxaha doonaya inay degenaansho la'aan ka abuuraan oo ay weeraro xoog leh ku qaadaan halkaasi.

k
Mid ka mid ah ciidamada waddanka India oo wax tooganaya

Sanadkii 2006 waxa bartilmaameedku ahaa dadka ganacsatada ee Mumbai markii weeraro isku xigay oo qorsheysan lagu qaaday goobaha laga raaco tareenada kaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 200 qof, mar kale ayaa weeraradan waxaa lagu qaaday Mombai iyadoo xilligan uu ka gedisan yahay qaabkii ay isticmaaleen kooxaha weerarka soo qaadaya, oo qaab militeri markan isticmaalay.

Iyagoo baadi goob ugu jiray dadka ajnabiga ah, isla markaana dadka qaar nolosha ku qabsaday.

Kooxaha dableyda aha waxaa ku jiray qaar la soo xiriiray telefishin oo ku baaqay in la sii daayo, kuwo saaxiibadooda islaamiyiinta mayalka adag ah oo ku xiran India.

Laakiin weli lama oga in sheegashada kooxda Deccan Mujahadiin inay mas'uul ka ahaayeen weeraradan ay tahay mid run ah iyo in kale.

Deccan waa qeyb ka tirsan koonfurta India, waxaana jira warar sheegaya in ay isugu yeereen inay yihiin Mujahidiinta India. Kuwaasi oo la sheegayo inay sheegteen inay mas'uul ka ahaayeen weeraradii ugu danbeeyay ee lagu qaaday goobaha dadka Rayidka ah ee waddanka India.

Waxaa laga yaabaa inay ku soo beegmeen weeraradan iyadoo ay dhacayeen doorashooyinkii gobolada oo ay ku jiraan kuwa gobolka Kashmir.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin