BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
26 Nofembar, 2008, 18:07 GMT; 21:07 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Madaxweyne Yusuf oo gaaray Garoowe
 

 
 
Yusuf iyo Cadde
Madaxweyne Yusuf oo la fadhiya Cadde Muuse
Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarruunta maamul goboleedka Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha oo uu ka mid yahay Safiirka dawladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inay ujeeddadu tahay mid looga tashanayo xaaladda haatan uu ku jiro waddanka Somalia.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo la hadlay saxaafadda kadib markii uu gaarey Garoowe ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax dhibaato ah, oo ay u socdaan wada tashi, isagoo ka mahad celiyey sida uu sheegay soo dhaweynta diiran ee wafdigiisu ka heleen halkaasi.

Safiirka Yemen ayaa isaga lagu sheegay socdaalkiisu la xiriirto markab laga lahaa waddanka Yemen oo ay burcad badeed Somali ah qabsadeen, markabkaasi ayaa Madaxweynuhu ka hadlay markii uu tagay Garoowe isagoo codsaday in si dhaqso ah loo sii daayo, hadii kale awood loo isticmaali doono.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin