BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
21 Nofembar, 2008, 05:20 GMT; 08:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
QM oo ku hanjabtay cunaqabateyn
 

 
 
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cunaqabateyn saaray nabad-diidka
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cunaqabateyn saaray nabad-diidka
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in cunaqabateyn lala beegsado shakhsiyaadka carqaladeeya hannaanka nabadda ee hore uga billowday dalka Djibouti.

Kulankan uu Golahu yeeshay Khamiistii, waxaa si weyn looga dooday oo lagu lafa guray saddex qaybood oo kamid ahaa warbixintii u uu xoghayaha guud uu soo gudbiyay Golaha Ammaanka.

Amuuraha siyaasadda

Qebyta hore oo ku saabsanay dhinaca arrimaha siyaasadda ee xaaladda Somalia, ayaa waxaa golaha ka hor akhriyay kaaliyaha xoghayha guud ee dhinaca arirmaha siyaasadda, Haile Menkerois, oo hadalkiisa ka taabba qaaday isbeddelladii dhacay kaddib intii la daabacay warbixinta xoghayaha guud ee QM.

Haile Menkerois, wuxuu sheegay in tan iyo markii ay labada dhinac ee isku haya siyaasadda Somalia, ay heshiiska xabbad joojinta ah ku kala saxiixdeen magaaalda Djibouti 25-kii Octobar, iny ay dhaceen tallaabooyin horumar ah oo looga gaadhay dhinaca siyaasadda.

Tan kobaad-na waxa uu ku tilmaamay in ay ahay safarkii uu guddoomiyaha Isbahaysiga Dib u Xoraynata Somalia, uu ku tagay magaalooyinka Jawhar iyo Baladwayne.

 Midka koobaad waxa uu ahaa 4-tii November markii uu xafiiska QM u qaabilsan arrimaha siyasada somaliya uu suurtagaliyay socdaalkii uu sheikh shariif Sheekh Ahmed uu ku tagay somaliya si uu taageero balaadhan ugu abaabulo wadahadallada Djibouti
 
Haile Menkerois

Haile Menkerois waxa uu sheegay in safarkaasi u ahaa kii ugu horreeyay ee uu Sh. Shariif dib ugu noqdo Somalia, tan iyo intii ay waddankaasi galeen ciidamda Itoobiya sanadkii 2006-dii

Sidii loo soo dhaweeyana, waxa uu ku sheegay inay tilmaan u tahay taagerada uu Isbahaysigu wali ku haysto badhtamaha iyo Koonfurta Somalia.

Tallaabada labaad ee horumarka dhinaca siyaasadda, ayuu Menkerios ku tilmaamay in ay tahay ka bixintaankii ay ciidamada Ethiopia ka baxeen magaalda Baladwayne iyo qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho, taas oo qayb ka hayd heshiisyadi Djibouti.

Waxaanu intaasi ku sii daray in hadda taliyayaasha ciidamda ee labada dhinac ee Somalidu, ay ka shaqaynayaan sidii ay u qaabayn lahaayeen ciidamadooda si ay u hirgalin lahaayeen heshiisyadaasi.

Waxaa kaloo jirta buu yiri, qorshe ay QM qaban-qaabinayso, oo ku saabsan sidii loo abuuri lahaa ciidamo isku dhafa oo ka kooban toban kun oo askari.

Caqabado jira

Kaaliyaha Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, waxa uu usheegay in, inkastoo tallaabooyinkaas horumarka ah laga gaadhay dhinaca siyaasada, ay haddana jiraan caqabada cusub oo lasoo darsay dadaalka hurumarinta wadahadalada nabadda.

Midda hore ee caqabadahaas ayuu ku sheegay in ay tahay ururka Al-Shabaab, oo la wareegay gacan ku heynta dhul ballaadhan oo ay ku jiraan magaalooyinka dakadaha ah ee ku yaala gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubbada hoose.

Waxaa kale oo ay ururka Al-shabaab qalalaase ka wadaaan buu yiri magaalda Muqdisho. Nabadgalyada sii xumaatay ee deegaanadaas waxa ay keentay in ay qaar kamida hey'adihii gargaarku ay hawlahoodi joojiyaan, arrimahii bani'aadnimaduna ay sii xumaadaan.

Midda kale ee arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta-ba dib u dhaca ku ah ayuu Haile Menkerios ku timaamay in ay tahay khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya madaxwanaha iyo ra iisul wasaaraha, oo aanay muuqanin buu yiri in wax horumar ah laga sameeyay xallinta khilaafkooda.

Arintaasina waxa ay sii xoogaysatay buu yiri kaddib markii uu madxweyne Cabdullahi Yusuf, uu ku gacan saydhay go’aamadii ay soo saareen madaxda ururka IGAD.

Wuxuu yiri Menkerios:

"Madaxwayne yusuf waxa uu Shaki galiyay taageeradiisa ku aaddan war-murtiyeedkii kasoo baxay madaxda Ururka IGAD. Wuxuuna u sheegay xubnaha baarlamaanka, in fulinta heshiiskaas, isaga argtidiisa, aanay waajib ku aheyn."

Intaas kaddib, madaxwaynaha iyo raiisul wasaarihiisu waxa ay billaabeen inay si cad oo aan qarsoodi lahayn isu edeeyaan. Xal arrintan laga gaarana hadda waxa uu u yaalla baarlamaanka, oo uu raiisulwasaaruhuna sheegay in uu u gudbinayo magacyada xukuumadda.

Kaaliyha arrimaha siyaasadda ee xoghayha guud ee Qaramada Midobay, waxa uu u sheegay fadhiga Golaha Ammaanka, go'aankii ay IGAD ku gaadhay in taLaabo laga qaado dadka caqabada ku ah nabada oo ay Golaha Ammaanka-na ka codsatay in uu talaabadaas oo kale qaato.

Amuuraha Ammaanka

Shirkii aan caadiga ahayn ee golaha wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD, ee lagu qabtay magaalda Addis ababa, 18-kii bishan, waxa lagu go'aamiyey in lagu soo rogo cunaqabtayn bartilmaameed leh, sida xayiraadaha safarada iyo hantida qof kasta oo Soomaliya oo ku sugan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba oo lagu helo in uu caqabad ku yahay nabda.

Go'aankaasi wasiriradu waxaa intaasi sii dheer oo uu ku hanjabay in ay aqoonsi-ga kala noqonayso hoggaamiyaasha aan la shaqeynin hannaan-socodka nabadda.

IGAD waxay ugu baaqday golaha amaanka in ay ka fikirto sidaasi oo kale.

Cunaqabateyn

Golaha Ammaanka ayaa isaguna sidoo kale Khamiistii cod buuxa ku ansixiyay in si aan dib u dhigid lahayn loo xayiro lacagaha iyo hantiyaha kale ee ay leeyihiin shaqsiyaadka loo aqoonsado inay lug ku leeyihiin ama ay taageerayaan falalka halista ku ah nabadda, ammaanka iyo deganaashaha Somalia.

Madaxa qaybta Africa ee ciidamada nabad ilaalinta aramada Midoobay, oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xoghayaa guud ee QM uu waraaqo u diray kulamana uu la qaatay konton wadan oo uu ku calaamadiyay in ay qayb ka qaadan karaan sidi ciidamo loo gayn laha somaliya.

Mr. Zeneng waxa uu sheegay in ilaahada ay todobo wadan ka soo jawaabeen baaqaasi xoghayha guud. hal wadan oo kamida todobadaas wadan oo kaliya ayaa sheegay in uu ciidamo ku tabarucayo.

Dalalka kale ayaa dalbaday in wakhti dheeraad ah la siiyo oo ay kaga soo baaraan dagaan, illaa haddana lama hayo buu yiri waddankii hor kici lahaa ciidamda Qaramada Midoobay.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin