|
Khilaafka madaxda sare ee dowladda
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Toddobaadkan waxaa dhacay arrimo isdaba joog ah oo saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya ee mustaqbalka.
Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaraha ayaa weli loogu fadhiyaa in ay soo saaraan Gole Wasiirro ay isku raacsan yihiin, iyada oo IGADna ay ku hanjabtay in ay cuna qabateyn ku soo rogi doonto ciddii loo arko in ay hortaagan tahay nabadda Soomaaliya.
Haddaba maxaa la gudboon Madaxda Soomaalida, sideese looga gudbi karaa ismari waaga hadda taagan? Haddii aan la xallinse muxuu keeni karaa ismari waagani? Su'aalahaasi oo dhan ayaan barnaamijka Falanqeynta Jimcaha, ku soo qaadi doonaa. Madaxweynaha dawlada KMG ah ee Somalia ayaa Sabtidii khudbad u jeediyey xubno ka tirsan baarlamaanka Somalia qaarkood, kuwaas oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxa uu xubnahaas uga waramay xaalada dalku haatan marayo. Wuxuu kaloo ka hadlay dhismaha dawlada cusub, isagoo sheegay in aan wax dawlad ahi , haatan Somalia ka jirin. waxa uu ka
hadlay kulan dhex maray isaga iyo Raiisal wasaaraha dawlada KMG ah ee Somalia, Nuur Hassan Hussein. Axadii ka dambaysay ayaa Raiisal wasaaraha Nuur Hassan Hussein, wuxuu shir jaraaid ku qabtay isla Nairobi. Shirkaas jaraa'id ayuu wuxuu ku eedeeyey Madaxweyne Abdilahi Yusuf, waxa uu sheegay Raiisal wasaaruhu, in Madaxweynuhu uu curyaaminayo, xukuumada Raiisal wasaaruhu dhisay. Nuur hassan Huseein, wuxuu shirkaas jaraaid ku soo bandhigay magacyada xukuumadiisa cusub. Wuxuuna beeniyey hadalkii madaxweynaha ee uu ku sheegay in aan wax dawlad ahi Somalia ka jirin. Waxa intaas ku daray , in
uu dhisay xukuumad oo uu u gudbin doono baarlamaanka, si ay u ansixiyaan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||