|
QM oo warbixin kasoo saartay Somalia
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xoghayaha gud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Golaha Ammaanka u gudbiyey warbixin dheer oo uu kaga hadlayo marxaladaha siyaasadda,
ammaanka ee ka jira guud ahaan dalka Somalia.
Wariyaha BBC-da, C/raxman Caynte ayaa soo akhriyey warbixinta. Maxamed Xaaji Xuseen ayuu uga faallooday wixii ku qornaa.
Xoghayaha ayaa warbixintiisa ku faahfahinaya isbedellada xagga siyaasadda ah, kuwa xagga ammaanka, amuuraha bani'aadannimada, iyo waliba xagga xuquuqda aadanaha. Shika Djibouti Ban Ki-Moon ayaa sheegay in horumarka ugu weyn ee xagga siyaasadda ah ee laga gaaray Somalia uu yahay heshiiskii Djiouti ku dhex maray dowladda iyo Isbaheysiga Dibu-Xoreynta, kaas oo uu sheegay inuu leeyahay ifafaale wanaagsan, haddii la meel mariyo. Khilaafka DKMG Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya madaxda sare ee DKMG, kaas oo uu sheegay inuu curyaamin karo geeddi-socodka nabadda ee Djibouti ka billowday. Amuuraha Ammaanka Ban Ki-Moon ayaa aad uga deyriyey xaaladda ammaanka ee Somalia, isagoo taas sabab uga dhigay hubka sharci darrada ah ee kusoo qulqulaya Somalia, iyo waliba ciidanka DKMG oo mushaar la'aan hubkoodii u iibinaya. Wuxuu kaloo cabsi weyn ka muujiyey dardarta ay kooxda Al-Shabaab galisay weerarrada ay ku heyso fariisimaha DKMG, kuwa Ethiopia, iyo waliba AMISOM. Wuxuu sheegay inuuba ka cabsi qabo in kooxdaas ay weeraraan xafiiska QM ee magaalada Nairobi. Ciidamo nabadda keena Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamo ka kooban laga guuto oo nabadda iyo xasilloonida soo celisha la geyn doono Somalia. Ciidankaas ayay ka sokow soo celinta nabdda, masuuliyaddooda waxay noqon doontaa inay u kuur galaan bixintaan ciidanka dalka Ethiopia. Markii ay ciidankaas gaaraan hadafkii nabad-dhalinta, ayay u xuubsiiban doonaan kuwa nabadda ilaaliya, iyadoo la keeni doono ciidan kale oo tiradiisu ay gaareyso 22,500 oo nabadda ilaaliya, soona celiya dowladnimadii Somalia. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||