 |
|
| Markabka Sirius Star ee burcaddu heystaan |
Wasiirka arrimaha dibedda ee Sacuudiga Prince Sacud Al Faysal ayaa sheegay in milkiilayaasha markabka sacuudiga ee burcad
badeeda Soomaalidu hetsaan ay kala xaajoonayaan sidii ay madaxfurasho u bixin lahaayeen.
Sacuud Al Faysal ayaa sheegay in dowladdiisu aanay ogolaan in wada xaajood lala galo burcadda Soomaalida ah, balse go'aanka
ay leeyihiin dadka markabka iska leh.
Markabka Sirius Star ee laga leeyahay waddanka Sacuudiga ayaa waxa uu siday Labo milyan oo barmiil oo shidaal ah, iyadoo ay
saaran yihiin 25 qof oo shaqaale ah oo ay ku jiraan labo u dhashay Britain.
Peter French iyo James Grady ayaa labaduba waxa ay yihiin injineerada markabkaasi, waxaana qoysaskoodu ay sheegeen inay rajeynayaan
in ay ku soo laabtaan guryahooda iyagoo nabad qaba.
|