BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
19 Nofembar, 2008, 22:27 GMT; 01:27 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Faarax Sindiko oo geeriyooday
 

 
 
Allaha u naxariistee Faarax Sindiko wuxuu caan ku ahaa sports-ka
Allaha u naxariistee Faarax Sindiko wuxuu caan ku ahaa sports-ka
Waxaa magaalada Qaahira ku geeriyooday Faarax Weheliye Caddow (Sindiko), oo muddo aad u dheer kusoo dhex jiray Sports-ka & waliba siyaasadda Somalia. Allaha u naxariistee wuxuu marxuumku wuxuu sanadkii 2004-ta u tartamay jagada madaxweynanimo ee dalka Somalia.

Geerida Faarax Sindiko waxaan ka wareysannay Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).

Marxuum Sindiko wuxuu muddo aad u dheer ahaa guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Somalia. Wuxuu kaloo ahaa ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta ee Africa, ee marka magaciisa lasoo gaabiyo CAF loo yaqaanno.

Faarax Sindiko, oo sidoo kale ahaa ganacsade caan ah, ayaa ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA. Wuxuu kaloo xilli hore ahaan jiray ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho ee arrimaha bulshada.

Sanadkii 2004-ta, markii lasoo dhisayey DKMG, wuxuu kamid ahaa musharrixiintii isku taagay inay madaxweyne ka noqdaan dalka Somalia.

Ganaax

Isla sanadkii 2004-ta ayaa marxuum Sindiko waxaa ganaaxay Agaasimaha FIFA, Sepp Blatter, isagoo ku eedeeyey inuu musuqmaasuq geystay. Ganaaxaas ayaa farayey in muddo 10 sano ah shaqada laga fariisiyo marxuum Sindiko.

Laakiin bishii April ee sanadkan, ayuu Mr. Blatter ganaaxii ka qaaday marxuum Sindiko.

Taariikh nololeed kooban

Allaha u naxariistee marxuum Sindiko wuxuu ku dhashay degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellada Dhexe. Inkastoo aan si rasmi ah loo hubin da'adiisa, qaraabadiisa ayaa BBC u sheegay in lagu qiyaasayo inuu dhashay horraantii sanadihii afartameeyadii.

Isagoo yar ayuu soo gaaray caasimadda Muqdisho, isagoo farsamo-yaqaan ka noqday Radio Muqdisho. Muddo kaddibna wuxuu ku biiray maamulkii gobolka Banadir.

Marxuum Sindiko wuxuu ifka kaga tagay 11 carruur ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin