|
Nuur Cadde: Waxba kama qaban karno
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen oo ka hadlayay magaalada Nairobi ayaa telefishinka BBC u sheegay in burcad badeeddu
ay dhibaato ku heyso gobolka iyo guud ahaan Caalamka.
Ra'iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Somalia aanay lahayn awood ay kula dagaallanto oo ay ku burburiso burcadda, sida uu yiri. Dhinaca kale, ciidamada badda ee India ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka uu quusiyay doon ay wateen burcad badeed Somali ah. Markabka India oo qeyb ka ah hawgalka caalamiga ah ee la dagaallanka burcad badeeda Somalia ayaa iska caabiyay markii rasaas ay uga timid koox dabley ah oo hubeysan oo saarnaa markab kale . Burcadda Soomaalida ayaa markii danbe ku baxsaday laba doomood oo kuwa dheereeya ah, oo mid ka mid ah markii danbe la helay iyadoo meel cidlo ah looga tagay. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||