BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Nofembar, 2008, 02:35 GMT; 05:35 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
IGAD oo u hanjabtay madaxda Somalia
 

 
 
Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxa soo dhexgalay khilaaf
Wasiiradda arrimaha dibeda ee urur goboleedka IGAD ayaa ku go'aan saday kulan ay ku yeesheen waddanka Ethiopia in lagu soo rogo cunaqabateyn, kuwo ay ku tilmaameen inay caqabad ku yihiin nabadda waddanka Somalia.

Magacyo ma aysan sheegin wasiiradu, laakiin weriyayaashu waxa ay sheegayaan in cunaqabteynta si cad loola dan leeyahay in Madaxweynaha KMG ah ee Somalia Abdullahi Yusuf uu heshiis deg deg ah kala gaaro ra'iisul wasaaraha golaha cusub ee wasiirada.

Qoraal laga soo saaray shirka golaha wasiiradda ayaa loogu digay hogaamiyayaasha Somalia in haddii ay ku guuldareystaan inay dhexdooda heshiiyaan, in lagu soo rogi doono cunaqabateyn dhinacyada safarada, taageerada la siiyo iyo hantida u taala wadamada IGAD.

Sidoo kale waxaa wasiiradu uga digeen in dowladda looga tagi doono inay wajahaan qatar kaga soo fool leh kooxaha Islaamiga ee kacdoonka wada, iyagoo aan taageero ka heli doonin IGAD.

Dowladda Kenya ayaa iyana balan qaaday inay ciidamo u soo diri doonto Somalia.

Shirkii ugu danbeeyay ee urur-goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Nairobi dabayaaqadii bishii la soo dhafay, waxay ay u qabteen madaxwayne Cabdullahi Yuusuf iyo raiisul wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde), in ay muddo laba toddobaad gudahood ah ay heshiis uga gaadhaan xukuumadda cusub.

Labadii toddobaad wakhtigoodi waa la soo dhaafay, wax dawlad ahna laguma heshiinin. Waxna lagama qabanin sidii loo dhisi lahaa maamul qaab wanaagsan loo agaasimay oo loo sameeyo caasimadda Somalia ee Muqdisho.

Safarrada madaxda DKMG

Labada nin ee udub-dhaxaadka u ah arrintan, madaxwaynaha & raiisul wasaaraha xaataa midkoodna waddanka-ba ma joogo.

Madaxwayne Abdullahi yusuf, waxa uu aaday wadanka Liibiya. Raiisul wasaare Nuur Cadena, waxa uu joogaa magaalda Nairobi oo ay ku suganyihiin qayb baladhan oo ka tirsan paarlamaanka KMG ah ee somaliya.

Labada ninba toddobaadkii hore waxa ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa, laakiin culays kasta oo uga yimid dawladda Ethiopia, ma suurta galin in ay wax isla oggolaadaan .

Wixii intaas ka danbeyana, waxa ay wakhti badan ku bixiyeen sidii uu mid waliba midka kale ka cabashadiisa ugu sheegi lahaa qof kasta oo daneynaya in uu dhagaysto.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin