BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
18 Nofembar, 2008, 10:32 GMT; 13:32 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Markabka oo u sii dhawaanaya Somalia
 
markab
Markabka Sacuudiga waxa saaran laba milyan oo barmiil oo shidaal ah
Markabka Sacuudigu leeyahay ee ay qabsadeen burcad badeedda Somalia ayaa ku dhawaanaya badweynta India, sida ay sheegeen ciidamada badda ee waddanka Mareykanka.

Markabka oo la yiraahdo Sirius ayaa ah markabkii ugu weynaa ee ay qabsadaan burcadda Soomaalida, iyadoo ay saaran yihiin laba milyan oo barmiil oo shidaal ah, oo afar meelood hal meel ah, soosaarka shidaalka ee Sacuudiga maalintii, iyadoo qiimaha shidaalkaasi lagu qiyaasay 100 milyan oo dollar.

Qabsashada markabka ayaa ciidamada badda ee Mareykanku ku tilmaameen wax aan la fileyn, iyadoo weerarku ka dhacay meel 830km u jirta xeebta waddanka Kenya.

k
Qariirada gobolka iyo halka weeraradu ka dhacaan

Shaqaalaha markabka saaran oo ah 25 ayaa waxa ku jira, labo qof oo u dhashay Britain, iyadoo la sheegayo inay bed-qabaan.

Inta badan maraakiibta la qabto ayaa waxa lagu dhameeyaa wada xaajood, iyadoo madaxfurasho la siiyo burcad badeeda.

Ugu yaraan 12 markab oo uu ku jiro markabka Ukraine MV Faina, oo sida 33 taangiyada dagaalka iyo qalab kale oo militeri, iyo 250 shaqaale maraakiib ayaa ku jira weli gacanta burcadda Soomaalida.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin