|
Kenya oo lagu wareejiyay siddeed Somali ah
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Britian ayaa waxay ku wareejisay Kenya sideed qof oo Somali ah oo burcad badeed looga shakisan yahay oo ciidamada badda ee
Britian ay qabteen, si halkaasi maxkamad loogu saaro.
Wareejinta ayaa waxa ku dhawaaqay wasiirka ciidamada Britain Bob Ainsworth oo booqanaya magaalada Nairobi. Sideeda qof ee Somalida ah ayaa la qabtay todobaadkii hore, iyadoo labo kalena ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarsadeen labada dhinac. Dhinaca kale hey'adda caalamiga ah ee baddaha ayaa sheegtay in markab ka diiwaangashnaa waddanka Hong Kong oo ay saarnaayeen 25 shaqaale ah in isna lagu afduubay gacxanka Cadan. Markabkan ayaa waxa uu siday 36 kun oo tan oo qamadi ah waxaana uu ku sii jeeday dekedda Bandar Abbas ee waddanka Iran. Weerarkan u danbeeyay ayaa waxa uu ka dhigayaa 95 tirada maraakiibta burcaddu ay weerareen sanadkan oo kaliya. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||