BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
16 Nofembar, 2008, 03:11 GMT; 06:11 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Yusuf: Dowladi kama jirto Somalia
 

 
 
Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay ineysan xukuumadi ka jirin Somalia
Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay ineysan xukuumadi ka jirin Somalia
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo la hadlaya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay ineysan dowladi ka jirin Somalia wuxuna taas ku eedeey R/W Nuur Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf Axmed, ayaa ku tilmaamay in Soomaaliya aanay lahayn xukuumad.

Waxaa uu Nairobi ugu warbixiyay mudanayaal boqol kor u dhaafay oo ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu inta badan ka hadlay laba arrimood oo kala ah: khilaafka isaga iyo Raiisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo xaaladda dalka.

Xagga khilaafka wuxuu ku tilmaamay in aanuu ansixin karin Gole Wasiirro oo ay ku jiraan dad dowladda duminaya.

Xaaladda dalka Madaxweynuhu aad ayuu uga deyriyay. Wuxuu sheegay in aayaha dalku uu marayo meel aad halis u ah.

Wuxuu ku tilmaamay in dowladdu ay gacanta ku hayso laba magaalo oo keliya, waa Muqdisho iyo Baydhaba.

Labada midkoodna ammaan ma aha ayuu yiri.

Muqdisho iyada waxaa uu ku tilmaamay in nimanka dagaallamayaa ay hareereeyeen.

Ugu dambeyntii waxaa uu Madaweynuhu u soo jeediyay mudanyaashu in ay dalka ku laabtaan, talana dib la isugu noqdo.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin