|
Warbixin laga soo saaray Soomaaliya
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xarunta Daraasaadka Istiraa-tiijiga iyo kuwa Caalamiga ah ee Washington, ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in Mareykanka
ay la gudboon tahay inuu beddelo siyaasadiisa.
Siyaasadda xakameynta Warbixinta ayaa lagu sheegay in marka la qiimeeyo qoto-dheerida colaadda ka aloosan Somalia, ineyba Mareykanka ay ku dhiirri galin karto inuu dib ugu laabto siyaasaddii xakameynta ku saleysneyd ee uu kula tacaali jiray Somalia, intii ka dambeysay howlgalkii Mareykanka hormuudka ka ahaa ee fashilmay sanadkii 1993-dii, markaas oo 18-askari oo ka tirsan ciidanka Mareykanka lagu dilay Muqdisho.
Ujeedada uu Mareykanku ka lahaa siyaasadda xakameyntu waxay aheyd, inuu xeyndaab dahsoon ku wareejiyo Somalia, si uu uga waabto inuu soo gaaro faniin ka yimid colaadda halkaas ka aloosan, isla markaana uu u hubiyo in cadowga Mareykanku aysan halkaas saldhig ka sameysan. 'Argagixiso la dirirka' Siyaasaddan oo lasoo saaray xilligii madaxweyne Clinton, ayaa la beddelay horraantii sanadkii 2006-da, markii uu Mareykanku billaabay inuu lacag siiyo qaar ka tirsan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, si ay usoo qabqabtaan shakhsiyaad uu Mareykanku u arkay inay ku lug leeyihiin falal argagixiso. Mashruucaas dabcan si weyn ayuu u fashilmay, taas oo Mareykanka ku khasabtay inuu billaabo falal ku-dhofo-oo-ka-dhaqaaq ah. Xagga diblomaasiyadda, Mareykanku wuxuu Somalia ku daray dalal badan oo uu ku fiiriyo indhaha la dagaallanka waxa uu argagixisada ugu yeero. Siyaasaddaasina waa midda illaa hadda taagan. Michael Hayden, agaasimaha wakaaladda sirdoonka ee CIA-da, ayaa shalay mar uu warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa, ay ahaayeen dhoolla-tus ay kooxda Al-Shabaab u sameyneysay ururka Al-Qaaacida, si buu yiri ay qandaraasyo dheeraad ah iyo aqoonsi uga hesho. Siyaasadda Obama Haddaba maamulka cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Barack Obama, ma ka suurowdaa inay ka weecdaan siyaasadda ku saleysan la dagaallanka argagixisada ee uu maamulka madaxweyne Bush qaatay? Brownwyn Brutun, waa khabiir ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiga iyo kuwa Caalamiga ah ee Washington, ahan cilmi-baaraha qoray warbixinta shalay soo baxday. Waxay tiri: "Taasi waa rajadeyda daacadda ah. Waxaan filaa inay jirto fursad wanaagsan oo Obama uu uga weecan doono siyaasadda ku saleysan la dagaallanka argagixisada. Artagtideydana, waa tallaabada ugu muhiimsan ee uu qaadi karo, taas oo ah inuu ka weecdo arrinta argagixisada, una soo jeesto xaaladda bani'aadannimo ee aadka u liidata." Waxaa jira astaamo muujinaya inuu Obama damacsan yahay inuu beddelo istiraatiijiyadda Mareykanka ee Somalia. Bartiisa Internet-ka ayuu ku xusay inuu ka shaqeyn doono sidii loo heli lahaa istiraatiijiyad isku xiran oo lagu xasilinayo Somalia. Waana taas midda rajada ku dhalisay Dr. Maxamud Cabdillahi Jamac (sifir), oo hore uga tirsanaan jiray DKMG, ahna siyaasi ruug caddaa ah oo muddo 40 sano ka badan u kuur galyey siyaasadaha madaxweynayaasha Mareykanka. Bronwyn Bruton, khabiirka qoray warbixinta ku saabsan Somalia, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in Mareykanku uusan heysan ikhtiyaar fara badan oo uu siduu doono uga yeelo Somalia. Sidaas darteed, waxaaba dhici karta ayay leedahay inuu maamulka Obama dib ugu laabto siyaasaddii xakameynta ku saleysneyd ee uu Clinton soo saaray. "waxaa jira waxyaabo badan oo Mareykanka u horseedi kara inuu ku laabto siyaasaddii xakameynta ee lagu dhaqmi jiray sagaashameeyadiim, marka laga reebo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah argagixisada. Gargaarka bani'aadanimo Waxay intaas ku dartay in rajadu ay tahay in Mareykanku uu dardar galiyo howlaha bani'aadannimada, si uu usoo ceshto bay tiri sumacaddii uu ku dhex lahaa shacabka Soomaaliyeed. Dr. Maxamud Cabdillahi Jamac ayaa isagu u arka ineyba taasi qeyb ka tahay barnaamijka la dagaallanka saboolnimada ee uu Obama ku baaqay. Si kasta oo ay ahaataba, waxaan shaki ku jirin inuu Mareykanku u baahan yahay inuu dib ugu laabto siyaasaddiisa ku beegan
Somalia. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||