|
Burcad badeed lagu hayo markab British ah
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Siddeed burcad badeed Somali ah, oo ay qabteen ciidamada badda ee Britain iyagoo doonayay inay afduubaan markab marayay Gacanka
Cadmeed ayaa la sheegay in lagu hayo markab kuwa dagaalka ah.
Wasaaradda arrimaha gaashaandhiga ee Britain ayaa sheegtay inay suurtagalnimada in raggaasi lagu wareejiyo waddanka ku yaala gobolka si halkaasi maxkamad loogu saaro. Toddobo qof oo u dhashay waddanka Yemen oo iyaguna isku mar lala qabtay ragga Soomaalida ah, ayaa la sii daayay kadib markii ay cadaatay in ay la socdeen doon kale oo burcaddu qabsadeen. Dagaal dhexmaray ragga looga shakisan yahay in ay yihiin burcad iyo ciidamada badda ee Britain ayaa waxa ku dhintay labo Somali ah iyo qof Yemeni. Ciidamada badda ee Britain ayaa sheegay in burcaddu ay rasaas ku fureen ciidamadooda, kadibna ay ka jawaabeen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||