BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
13 Nofembar, 2008, 11:14 GMT; 14:14 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Ciidamada Britain oo dilay burcad badeed
 
Burcad badeed
Burcad badeeda Soomaalida oo la hareereeyay
Ciidamada badda ee Britain ayaa toogtay oo dilay laba qof oo looga shakisan yahay inay ahaayeen burcad badeed Somali ah, kuwaasi oo weeraray markab laga lahaa waddanka Denmark.

Wasaaradda Gaashaandhiga ee Britain ayaa xaqiijisay in arintan ay dhacday,
Markii markab kuwa xamuulka ah oo laga lahaa waddanka Denmark uu bartilmaameed u noqday burcad-badeedda Soomaalida, maalintii Talaadada.

Biyaha ay dhibaataddu ka taagan tahay ee geeska Africa.
Ciidamada Badda ee Ruushka iyo Britain ayaa u baxay markabkaasi si ay u badbaadiyaan.

Markab ay leeyihiin ciidamada Britain ee badda oo la yiraahdo HMS Cumberland ayaa ku sugnaa Gacanka Cadan, isagoo qeyb ka ah hawlgakla NATO ee lagula dagaallamayo burcad badeeda.

Markabka ayaa daba dhigay doomo raacdeeysta markabka iyo doomaha burcaddu leeyihiin ee alwaaxa ka sameysan, waxaana ay diideen inay istaagaan, kadibna rasaas ayaa lagu furay.

Ciidamada Royal Navy ayaa waxay sheegeen inay u jawaabeen si ay isku difaacaan, kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen, dadkii saarnaa markabka lagu hareereysnaa, taasi oo markabka dushiisa, ay ciidamada Britishku ka heleen meydka labo Somali ah oo lagu dilay dagaalkii dhexmaray labada dhinac, iyo mid Yemeni ah oo si xun u dhaawacmay markii danbena u dhintay dhaawacii ka soo gaaray rasaasta.

k
Markabka Britain HMS Cumberland waxa uu qeyb ka yahay hawgalka NATO

Isku dhacan ayaa yimid iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ay sii kordhinayaan isku daygooda looga hortagayo burcad badeeda abaabulan ee Somalia.

Bishii hore waxa Goluhu ugu yeeray dhamaan maraakiibka badda ee dagaalka inay ka hortagaan oo ay la dagaallamaan burcadda ku sugan xeebaha Somalia.

Gacanka cadan ayaa waxa uu noqday goobta ugu qatarsan biyaha caalamka ee maraakiibtu maraan, waxaana uu ka mid yahay goobaha ugu mashquulka badan ee maraakiibtu ku badan tahay isagoo isku xira Yurub iyo Asia.

Bishii September burcad badeeda Soomaalida waxa ay qabsadeen markab laga lahaa waddanka Ukraine oo siday taangiyada dagaalka iyo hub kale. Markabkaasi iyo labaatan shaqaale ah oo saarnaa ayaa wali ku jira gacanta burcad badeeda oo dalbanaya madax furasho.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin