|
Xabsiga Garowe oo laga fakaday
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Sagaal maxbuus oo saddex ka mid ah loo haystay dil, ayaa saaka ka baxsaday xabsiga dhexe ee Garowe.
Baxsashada maxaabiista, waxay ka dambaysay markii aroornimadii saaka si qarsoodi ah la sheegay in bastoolad loogu gudbiyay nin maxaabiista ka tirsan.
Ninkaas, ayaa saaka markii maxaabiista laga soo saaray qolkii ay ku jireen halkaas ku toogtay afar askari oo ilaaladaha xabsiga ka tirsan kuwaas oo uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||