BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
10 Nofembar, 2008, 18:33 GMT; 21:33 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Haween kuwa diinta Masiixiga oo la afduubay
 
ceel-waaq
Ceel-waaq waxa ay ku taal soohdinta labada dal
Laba haween oo kuwa dhinac diinta Roman Catholic ah ayaa lagu afduubay waqooyiga waddanka Kenya, meel u dhaw soohdinta waddanka Somalia.

Labadaasi haween oo u dhashay waddanka Talyaaniga ayaa rag hubeysan ay ku afduubeen magaalada Ceelwaaq dhinaca Kenya, kadib markii ay rasaas is weydaarsadeen ciidamada booliiska Kenya.

Tifaftiraha wakaalad warar oo fadhigeedu yahay Talyaaniga Massimo Zaurin ayaa BBC u sheegay in rag hubeysan ay xoog ku kaxeeyeen labadaasi haween.

Kooxaha maliishiyada hubeysan ee Somalia waxa ay dhawrkii bilood ee u danbeeyay bartilmaameedsanayeen dadka ajnabiga ah, ee u shaqeeya hey'adaha gargaarka.

Toddobaadkii hore ayaa niman hubeysan waxay ku afduubeen bartmaha Somalia afar shaqaale ajnabi ah oo u dhashay Yurub iyo labo qof oo duuliyeyaal ahaa oo u dhashay waddanka Kenyaalia.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin