BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
09 Nofembar, 2008, 17:15 GMT; 20:15 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Sarkaal Save Children oo la sii daayay
 

 
 
save the children
Hey'adda Save the Children waxa ay hawlo waxbarasho ka wadaa Hiiraan
Xoogaga Islaamiyiinta ee ka howlgala gobolka Hiiraan, ayaa soo badbaadiyay sarkaalkii u shaqeynayay hey'adda Save The Children Maxamed Macallin Cismaan.

Maxamed Macallin oo isla markaana ahaa guddoomiyaha guddiga waxbarashada gobolka Hiiraan, ayaa kooxo hubaysan ay shalay ka afduubeen deegaanka Buq-Aqable ee gobolkaas.

Sarkaalka ayaa xilliga la afduubay waxa uu ka wada deegaankaasi, mashruuc dhinaca waxbarashada dadka reer miyiga ah, oo ay waday hey'adda Save the Children.

9 dhalinyaro ah oo lagu eedaynayo in ay afduubka ka dambeeyaan, ayaa wararku sheegaya in gacanta lagu soo dhigay, kuwaas oo la sheegay in lagu qaadayo xukunka shareecada Islaamka.

Lama oga ujeeddada afduubka, oo sidoo kale dableydu ay ku kaxaysteen gaari ay lahayd hey'adda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin