BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Nofembar, 2008, 11:38 GMT; 14:38 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dadka Mareykanka oo safaf dheer ku jira
 
obama mccain
Barack Obama ayaa wali ku horeeya fikradaha dadka laga qaaday
Dadka Mareykanka ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan Madaxweynaha Mareykanka, kadib ololihii ugu dheeraa, uguna qarashka badnaa taariikhda Mareykanka.

Malaayiin dad ah ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay codadkooda u dhiiban lahaayeen. BBC-da oo wareysi la yeelatay qaar ka mid ah dadka Soomaalida ee codkooda dhiibanayay, ayaa waxay qaar ka mid ah u sheegeen inay u codeeyeen Musharaxa Barack Obama.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga John McCain ayaa isku dayaya inuu iska caabiyo codadka saadaasha ah, halka Musharaxa Dimquraadiga Barack Obama uu doonayo inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyay ee madow ah ee waddankaasi uu yeesho.

k
Dad codkooda dhiibanayay doorashada Mareykanka

Labada nin ayaa ku laabtay goboladii ay ka soo jeedeen ee Arizona iyo Illinois si ay codadkooda halkaasi uga dhiibtaan, una dhowraan natiijada cida guuleeysata.

Codkii ugu horeeyay ee doorashada ayaa Mr Obama waxa uu ku guuleeystay 15 iyo lix magaalada Dixville Notch, ee gobolka New Hampshire.

Magaaladaasi oo 60 sano caado u ahayd inay ugu horeyso codbixinta ayaa markii ugu horeysay Dimuqraadigu ku guuleeysteen ilaa iyo sanadkii 1968.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin