BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Nofembar, 2008, 10:39 GMT; 13:39 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Qaraxyadii ka dhacay Hargeisa iyo Boosaaso
 

 
 
hargeisa
Xaruunta Madaxtooyada Hargeisa ee qaraxu qabsaday
24 oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo saddex qof oo u dhashay Ethiopia ayaa u dhintay, 31 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo waaweyn oo lala beegsadey goobo kala duwan oo ku kala yaala magaalada Hargeysa.

Barnaamijka Falanqeynta waxaa ka qeyb galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Ismaaciil Cirro iyo xubno kale oo fikirkooda ka dhiibanaya qaraxyadaasi iyo sida ay u arkeen.

Goobaha la weerarey ee magaalada Hargeysa waxa ka mid ah aqalka madaxtooyada, xafiis ay dowlada Ethiopia ku lahayd halkaasi oo qaabilsan xiriirka ganacsiga ee Somaliland iyo Ethiopia iyo xafiiska ururka Qaramada Midoobey ugu qaabilsan horumarinta ee UNDP.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah la-taliyihii madaxweynaha ee hay'adaha caalamiga ah Xuseen Afgaab, iyo Xubin Golaha Guurtida ka tirsan Maxamed Cismaan Libaaxo, xoghayaha xafiiska madaxtooyada ee Somaliland Daahir Cali Ciid iyo madaxii Nabadgelyada ee hey'adda UNDP xafiiska somaliland Axmed Cilmi Geelle.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Hargeisa, iyadoo ay dadku aad uga xun yihiin waxa dhacay, mas'uuliyiinta Somaliland iyo ciidamada booliiskuna ay dadka ugu baaqeen in laga shaqeeyo nabadgelyada.

Dadka ku geeriyoodey weeraradan waxaa ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan xafiiska UNDP ee magaalada Nairobi ayaa iyaguna xaqiijiyey in weerarkii lagu qaadey xaafiisyadooda magaalada

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin