http://www.bbcsomali.com

01 Octobar, 2008, 21:57 GMT; 00:57 SGA

Daud Aweys
BBCSomali.com

Caasha Xaaji Cilmi oo la siiyey billad caalami ah

Caasha Xaaji Cilmi oo kamida xubanaha baarlamaanka KMG una ololeysa howlaha nabada & xuquuqda dumarka, ayaa la siiyey abaal-marin caalami ah oo Right Livelihood la yiraahdo.

Wareysiga Caasha

Qaalliyaasha siiyey abaal-marintan, ayaa Caasho ku ammaanay kaalinta ay ka geysatay sidii nabad iyo xasillooni loogu soo sabbaali lahaa dalka Soomaalia, iyo waliba sidii loo badbaadin lahaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

Waxaa kaloo Caasha lagu ammaanay doorka ay ka ciyaarto sidii caalamku uu uga warqabi lahaa carruurta Soomaaliyeed, oo ay dhibaatooyin fara badan kasoo gaareen dagaalladii sokeeye.

Abaal-marintan, oo qiimeheedu ku dhowdhow yahay $300,000 (saddex boqol oo kun oo dollar), ayaa marwo Caasho Xaaji waxa ay la qeybsaneysaa afar qof oo kale, oo ay ku jirto wariyaha caanka ah ee Mareykanka, Amy Goodman.

Caasha ayaa hadda qeyb ka ah wada-xaajoodka nabadda ee kooxaha Soomaalida uga socda dalka Djibouti, iyadoo waliba ku jirta guddiga sare ee loo xilsaaray soo dabbaalidda nabadda.