|
Dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn ka dhacday suuqa Huriwaa ee magaalada
Muqdisho.
Rasaasta ayaa bilaabatay markii suuqaasi oo ay galeen ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda KMG ah oo hawgal halkaasi ka fulinayay, kadibna ay weerar kusoo qaadeen kooxaha kacdoonka wada ee ka soo horjeeda. Kooxaha wax iska caabinta ayaa la sheegay in ay weerar bambooyin ah ku qaadeen ciidamada Ethiopia, oo markii danbe ee ay rasaastu xoogeysatay lagu soo waramay in saldhiga ay ku leeyihiin Warshadii Baastada ay ka ridayeen madaafiic. Dhinaca kale ciidamada Ethiopia ee ku sugan Muqdisho, oo ay wehliyaan ciidamada dowladda ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, ayaa howlgal ka sameeyay qaybo ka mid ah degmada Madiina ee magaalada Muqdisho. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||