BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Octobar, 2008, 19:20 GMT; 22:20 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
21 qof oo ku dhintay suuqa Bakaaraha
 

 
 
dhaawac
Isbitaallada Muqdisho waxa ku buuxa dhaawac dad rayid ah
Ugu yaraan 21 qof, oo rayid ah, ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay ku dhaceen dhowr madfac oo la sheegay in ay ka soo dhaceen xaruunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka, ayaa sheegaya in duqayntu ay bilaabatay kadib markii hoobiyayaal lagu weeraray madaxtooyada, weerarkaas oo kooxda Al-Shabaab ay sheegatay in ay ka dambaysay.

Lama oga khasaaraha soo gaaray xaruunta madaxtooyada Somalia, halkaasi oo ay joogaan ciidamo ka tirsan dowladda, kuwa Ethiopia iyo AMISOM.

Dhinaca kale hey'adaha gargaar ee ka shaqeynaya Somalia ayaa sheegay in dagaalada ka socda caasimada Somalia ee Muqdisho ay ku qasbeen in ku dhaw 40 kun oo rayid ah inay ka cararaan guryahoodii dhawrkii toddobaad ee u danbeeyay.

War ay si wadajir ah u soosaareen heya'adaha samafalka ayaa ku eedeeyay dhamaan kooxaha dagaalamaya inay istimaalaan awood xad dhaaf ah oo aanay ku kala soocin dadka.

Waxa ay sheegeen in in ka badan 3 milyan oo qof oo Somali ah ay ku tiirsan yihiin cuntada gargaarka ah.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin