BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
05 Octobar, 2008, 13:34 GMT; 16:34 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Duqeyn ka dhacday magaalada Muqdisho
 

 
 
garoonka muqdisho
Diyaarad rayid ah ma soo degin garoonka Muqdisho 20 maalmood
Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo ka dhacday degmada Dharkinley oo ahayd meelaha ugu degan magaalada, ayaa bilaabatay markii hoobiyeyaal lagu riday diyaarad soo degtay garoonka Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay BBC in ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga Somalia AMISOM ay madaafiic ku rideen xaafado ku yaaala Degmada Dharkinley.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaanay wax diyaarado rayid ah ka soo degin, iyadoo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay hoobiyeyaal ku ridaan diyaaradaha militeri ee ka soo dega halkaasi.

Duqeyntaasi ayaa sida uu ku waramayo weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Maxamuud Dhoore sababtay dhimasho iyo dhaawac.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin