BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
04 Octobar, 2008, 17:24 GMT; 20:24 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Sarkaal dowladda ka tirsanaa oo la dilay
 

 
 
Baydhabo
Baydhabo waxa ay xaruun u tahay baarlamaanka Somalia
Taliyihii ciidamada nabadsugida ee dowladda KMG ah ee magaalada Baydhabo Ibrahim Sheekh Xasan Kuweyd ayaa saaka lagu dilay magaalada Baydhabo.

Sida wararku sheegayaan laba nin oo dabley ah ayaa toogtay taliyaha oo ku sugnaa xilligaasi suuqa sarifka ee magaalada Baydhaba.

Sida ay BBC u sheegeen dad goob joogayaal ah, Taliyaha ayaa xilliga la dableydu rasaasta ku rideen wadan wax illaalo ah, iyadoo booliiska dowladda KMG ah ay yimaadeen goobta waxyar kadib oo ay baaritaan ka bilaabeen halkaasi.

Magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale waxa xalay ka dhacay dhawr madfac oo lagu riday agagaarka guriga gudoomiyaha baarlamaanka waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen dhaqaatiirta caafimaadka.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin