|
Maxaa hortaagan maamulkii Banadir?
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Labaatan maalmood ayaa laga joogaa markii gobolka Banadir looga dhawaqay maamul KMG ah oo la faray inay 15 maalmood kusoo
xulaan gole wakiillo isla markaana doorasho bisleeyaan.
Maamulkan KMG ah ayaa lagu beddelay midkii hore ee uu hoggaaminayey Maxamed Dheere. Maamulkaas oo khilaaf weyn dhex dhigay madaxda sare ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya. Dabcan muddadii 15-ka maalmood aheyd waa lasoo dhaafay, walina wax muuqda oo ay maamulka KMG ah qabteen ma jirto. Haddaba maxay sidaas ku dhacday, ayaan weydiiyey C/qadir Maxamud Walaayo, oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka KMG ee Banadir, isagoo ku sugan magaalada Muqdisho. Walaayo wuxuu sheegay in guddigooda aya ka shaqeynayaan howshii loo diray, balse ay u baahan in wakhti dheeraad ah lasiiyo. Ma uusan sheegin inta uu wakhtigaas noqon karo, balse wuxuu intaas raaciyey inay goor dhow ku dhawaaqi doonaan go'aannadii ay gaareen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||