|
Qarax dad ku dilay magaalada Baydhabo
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Laba qof oo mid uu askari yahay ayaa u dhintay qarax & toogasho ka dhacay Baydhabo Qaraxyada iyo dilalka ayaa ku badanaya
magaaladaas, oo ah saldhigga barlamaanka dalka.
Waxaa kaloo dhaawacmay dad ka badan 10 qof. Dhimashadaas waxaa BBC u xaqiijiyey taliyaha saldhigga booliiska magaalada Baydhabo, Aadan Cali Aamin. Mid kamid ah dadka la dilay ayaa ahaa nin fadhiya makhaayad, sida uu sheegay taliyahaas. Qofka kale ee dhintay, sida uu taliyuhu sheegay, waxa uu ahaa wiil yar. Aqoonyahannada kulan ay uga hadleen ammaanka magaalada, waxa ay eedda ugu horreysa dusha uga tuureen shacabka Baydhabo, oo ay sheegeen inaysan sidii la rabay aysan usoo sheegin dadka dhibaatada geysta. Waxay kaloo eedeeyeen booliiska magaalada Baydhabo, oo ay sheegeen inaysan wax badan dhaamin dadka shacabka ah. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||