 |
|
| Madaxweyne Geelleh ayaa dhaliil badan u soo jeediyay madaxda Soomaalida |
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geeleh khudbad uu u jeediyey ciida dadka reer Djibout wuxuu qayb balaaran kaga hadlay
arrimaha Somalia iyo dadaaladii nabadda ee Djibouti laga waday.
Madaxweynaha Djibouti wuxuu ku dhaliilay Somalida isu-tanaasulid la'aanta, wuxuu dhiirigaliyey in dadka somalia dhibta haysata
laga dul-qaado, wuxuuna Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geeleh ku amaanay Somaliland amniga iyo nabadda.
Todobaadkan ayaa qorshe ay wadaan urur goboleedka Igad uu ugu yeeray madaxda dawladda somalia iyo baarlamaanka in ay Nairobi
isugu yimaadaan, si looga hadlo xaaladda amaanka iyo siyaasadda Somalia.
|