BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Bakaaraha: Khasaare ka dhashay duqeyn
 

 
 
Ciidanka Ethiopia & kuwa AMISOM ayaa duqeeya Bakaaraha, markii la weeraro fariisimahooda
Ciidanka Ethiopia & kuwa AMISOM ayaa duqeeya Bakaaraha, markii la weeraro fariisimahooda
Madaafiic lagu garaacay suuqa Bakaaraha ayaa dishay rayid halkaas ka dukaameysanayey Duqeynta ayaa falcelin u ahaa duqeyn loo geystay dayuurad saanad u waday ciidanka AMISOM.

Dadka Muqdisho ayaa la qabsaday in mar Alla iyo markii hoobiyayaal lagu weeraro gegida Muqdisho, looga jawaabo madaafiic waaweyn oo lagu garaacayo suuqa Bakaaraha, oo ah meesha ugu dadka badan caasimadda.

Dadka suuqa ka ganacsada ayaa markii ay arkaan dayuurad kasoo dageysa Muqdisho, waxa ay u firxadaan daaraha dhaadheer, iyo kuwa shubka ah, si ay uga waabtaan jawaabta ka imaaneysa ciidanka Ethiopia iyo kuwa AMISOM.

Illaa lix madfac ayaa haleelay bartamaha suuqa, iyadoo la arkay bakhaar halkaas ku yaalla oo uu ka baxayey uumi, tan iyo fiidkii Arbacada. Maalin uu kaddib Ciidda, ayaa madaafiicda waxaa laga soo ganay Guriga Madaxtooyada, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dayniile: Baaritaan la sameeyey

Dhanka kale, ciidanka DKMG iyo kuwa Ethiopa ayaa aroortii Arbacada waxay iyagoo safaf dhaadheer ku socda galeen degmada Dayniile. Ciidanka ayaa durbadiiba baaritaan ugu dhaqaaqay xarunta degmada Dayniile, iyo waliba guriga Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.

Ciidankaas ayaa dilay ugu yaraan afar qof oo rayid ah.

Dad fara badan ayaa isaga cararay markii ay ciidamadu soo galeen Dayniile. Lama oga sababta baaritaankan keentay, ha yeeshee wax iska caabbin ah oo ay la kulmeen ma jirto.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa BBC u sheegay in degmadiisa ay xarun u aheyd kooxo uu ku sifeeyey nabad-diid.

Degmada Dayniile ayaa ah meel ay si weyn ugu qaxeen dad rayid ah oo ka barakacay dagmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin