BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
01 Octobar, 2008, 20:13 GMT; 23:13 SGA
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Mareykanka oo talis cusub u yeelay ciidankiisa Africa
 

 
 
Gen. Ward waa taliyaha taliska cusub ee AFRICOM
Gen. Ward waa taliyaha taliska cusub ee AFRICOM
Talis cusub oo AFRICOM loogu yeeray ayay yeelan doonaan ciidanka Mareykanka ka jooga Africa, laga billaabo Arbacada. Dalalka Africa ayaa diiday in xarun looga dhigo taliskan.

Taliska cusub ee AFRICOM waa mid uu Mareykanku muddo dheer foolanayey, oo uu u la'aa goobtii sal u noqon laheyd. Mareykanku wuxuu aad u daneynayey inuu saldhig uga dhigo dalalka Galbeedka Africa. Laakiin shaki iyo guux ay muujiyeen dalalkaas badankood, ayuu Mareykanku ku khasbanaaday inuu saldhig uga dhigo dalka Jarmalka.

Shaki laga qabo AFRICOM

Dalalka Africa ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey ujeeddooyinka taliskan. Mareykanku wuxuu sheegay in hadafku uu yahay mid dhowr xaglood leh, balse ay ugu muhiimsan tahay baacsiga kooxaha uu Mareykanku argagixisada u yaqaanno, iyo tababarka ciidamada dowladaha Africa, iyo waliba qabashada howlo bani'aadannimo.

Ha yeeshee howlgalka ugu horreeya ee taliskan sugaya, ayaa noqon doona mid uu ku baacsanayo burcad-badeedda aafeysay xeebaha ku teedsan Somalia.

Baacsiga burca-badeedda

Gen. William Ward, waa taliyaha cusub ee AFRICOM. Wareysi gaar ah oo uu BBC-da ku siiyey Istuudiyaha Washington, ayuu ku sheegay in falalka burcad-badeeddu ay yihiin kuwa ay cambaareynayaan dhamaan dalalka qadariya xeerarka caalamiga ah.

Wuxuu yiri:

"Xaaladdani ma ahan mid cusub. Waxay socotay intii muddo ah. Haddaba annagoo hadafkeenna ah inaan hakinno burcad-badeedda kala shaqeyneyna dalalka kale, waxaan yeeli doonnaa wax Alla iyo wixii nala gudboon, si aan xaaladdaas wax uga qabanno."

Ciidanka Djibouti jooga

Taliska AFRICOM ayaa laga billaabo maanta waxa uu dhaxlayaa 1800 oo askari oo Mareykanka ka jooga dalka Djibouti. Gen. Ward ayaa BBC-da u sheegay inuusan illaa haatan jirin qorshe ciidan dheeraad ah loogu biirinayo kuwa Djibouti jooga.

Maadaama ay xarunta taliskan ku taallo Jarmalka, ayaa waxaa howlihiisa kala wadaya labaatameeyo sarkaal, oo ku lifaaqnaan doona safaaradaha Mareykanka ee qaar kamid ah dalalka Africa.

Laakiin waxaa Generalka la waydiiyey sida ay ku dhacday in taliskii Africa looga taliyo saldhig ku yaalla dalka Jarmalka, wuxuuna ku jawaabay:

"Si loo howlgaliyo hoggaan ciidan, waxaa loo baahan yahay tashiilaad. Dad ayaan meesha geyneynaa. Wada-xaajoodka la xiriira halka saldhig u noqoneysa hoggaanka Africom waa mid muddo dheer qaata. Marka si aan u billowno howsha, waxaan joogeynaa meesha aan hadda joogno. Xarunteenna Jarmalka waa mid howshaas ku wanaagsan. Laakiin haddii aan mustaqbalkan u baahanno inaan meel kale u wareegno, wada-xaajood ayaa socda sidii loo rari lahaa xitaa qeyb ahaan xarunteenna. Taasina waa ay dhici doontaa."

'Talisku waa magac u yaal'

Qaar kamid ah dadka gorfeeya siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa tallaabadan, oo kusoo beegantay iyadoo saddex bilood uun ay u harsan tahay maamulka Bush, waxa ay u arkaan mid been-guur ah, sida uu leeyahay Dr. Xasan Mahadalle, oo culuumta siyaasadda ka dhiga jaamacadda Southern ee dalka Mareykanka.

Mahadalle ayaa ujeeddada taliskan ku sifeeyey inay tahay magac u yaal.

Ha yeeshee Gen. Ward wuxuu leeyahay ujeeddada taliskeenna khalad ayaa laga fahmay. Markii horeba ma aanaan dooneyn inaan ciidamo ku asqeyno Africa, ee waxaan dooneynay inaan diyaarino talis jawaab waafi bixin kara haddii Mareykanka danihiisa la daandaansado.

Shakiga taariikhi ah

Shakiga ay dalalka Africa ka muujiyeen Taliska cusub ee AFRICOM, waa mid taariikhi ah, oo sida uu Prof. Mahadalle sheegayo, wuxuuna salka ku hayaa gumeysigii reer Yurub ee Africa, iyo waliba xilligii dagaalkii qaboobaa, markaas oo uu Mareykanku gacan siiyey kaligii-taliyayaal arxan daran.

Mahadalle ayaa sheegay in gumeysigiiba uu sibiq ku galay Africa, kaddibna uu ku dhul-ballaarsaday, cabsi taa lamid ahna ay imminka jirto.

Ka sokow madaxda iyo shacabka Africa, xitaa qaar kamid ah Congress-ka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay inaaney la dhacsaneyn sida loo soohay taliska AFRICOM. Iyagoo taas ka ambaqaadaya, ayuu dabayaaqadii toddobaadkii hore, wuxuu Congress-ku cad weyn ka gooyey miisaaniyaddii Taliska AFRICOM ee sanadka soo socda.

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin