http://www.bbcsomali.com

28 Sebtembar, 2008, 17:10 GMT; 20:10 SGA

Amina Mussa Wehelie
BBC London

Sh. Shariif oo ka hadlay dagaallada Muqdisho

Guddoomiyaha Isbahaysiga mucaaradka ee Dib u xoreynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

Wareysiga Sh. Shariif

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ay ka xanuunsanayaan in dadka Soomaaliyeed ay wali kusii socoto in la laayo oo la barakiciyo.

Guddoomiyaha oo wareysi siiyay BBC-da isaga jooga waddanka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in ay Midowga Africa ka wada hadleen in aanay ka shaqeyn wax dhibaato loogu geysanayo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Isbahaysigooda ay ka soo horjeedaan awoodda ay shacabka ku baabi'inayaan sida uu yiri ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Africa ka jooga Somalia.