28 Sebtembar, 2008, 16:14 GMT; 19:14 SGA
Farhan Mohamed Jimale
BBC London
Ciidamada booliiska ee Ethiopia ayaa sheegay in qarax bam oo ka dhacay gobolka Soomaalida ay ku dhinteen saddex qof, 20 kalena ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa ka dhacat hotel ku yaalla magaalada Jigjiga, kaasi oo sababay in qeybta hore ee dhismaha hotelkaasi inuu burburo.
Booliiska ayaa ku eedeeyay in weerarkaasi bam ay ka danbeeyaan jabhadda ONLF ee u dagaallanta madax banaani uu hello gobolka Soomaalida.
War saxaafadeed ay soo saartay jabhadda ONLF ayaa lagu beeniyay in hadalka dowladda Ethiopia, oo lagu sheegay inuu yahay mid aan waxba ka jirin.
ONLF ayaa warsafaaxadeedka ku sheegtay in jabhadoodu aanay bartilmaameed ka dhigan dadka rayidka ah.