http://www.bbcsomali.com

27 Sebtembar, 2008, 16:17 GMT; 19:17 SGA

Qarax qabsaday ciidamada Ethiopia

Saddex ka tirsan ciidamada Ethiopia ayaa ku dhintay qarax weyn oo qabsaday gaari ay wateen iyagoo marayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa dhulka lagu aaso ayaa dad goob joogayaal ah waxa BBC ay u sheegeen in sidoo kale qaraxu qabsaday ciidamada qaar ka mid ah oo dhulka lugeynayay.

Qaraxa ka dib ayaa ciidamada Ethiopia waxa ay xireen jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.