27 Sebtembar, 2008, 15:50 GMT; 18:50 SGA
Maxamed M. Dhoore
BBC Mogadishu
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, dhawr iyo toban qofna waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday maanta magaalada Muqdisho, oo uu ku jiro suuqa Bakaaraha.
Duqeynta ayaa bilaabatay sida wararku ay sheegayaan, markii maanta hoobiyeyaal lagu riday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay soo fariisteen diyaarado wax u sidey ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ka jooga Somalia ee AMISOM.
Dadka dhintay ayaa intooda badan waxa ay ku naf waayeen gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo wararku ay sheegayaan in ilaa sideed taangi oo ciidamada AMISOM ay leeyihiin inay ka soo bexeen dhinaca garoonka diyaaradaha oo ay abaareen jidka Wadnaha, halkaasi oo ay rasaas kaga ridayeen dhinaca Suuqa Bakaarah.
Afhayeen u hadlay ciidamada AMISOM ayaa xaqiijiyay taangiyadaasi inay jiraan, laakiin waxa uu beeniyay inay wax ku rideen Suuqa Bakaaraha oo ay dagaal galeen.