http://www.bbcsomali.com

26 Sebtembar, 2008, 12:26 GMT; 15:26 SGA

Burcad badeed qabsaday markab siday taangiyo

Burcad badeed Somali ah ayaa afduubay markab laga leeyahay waddanka Ukrain oo lagu soo waramay inuu sida in ka badan 30 taangiyada dagaalka ah oo noocoodu yahay T-72.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Ukraine ayaa sheegtay in markabkaasi oo ku socday calanka Belize inay saarnaayeen 21 shaqaale oo uu ku sii jeeday dekedda magaalada Mombasa.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska ayaa sheegtay in markabka oo la yiraahdo Faina uu siday qalab militeri, iyo qalab dayactir oo loogu talagalay gawaarida dagaalka, iyo taangiyo.