http://www.bbcsomali.com

26 Sebtembar, 2008, 03:58 GMT; 06:58 SGA

Maxamed Maxamud Dhoorre
BBCSomali.com

Dagaalka Muqdisho oo wali sii socda

Ugu yaraan afar qofood ayaa ku dhintay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal fiidkii Khamiista Muqdisho ku dhex maray xoogagga la dagaala ciidanka Ethiopia iyo DKMG ah.

Dagaal horleh

Dagaalka ayaa qarxay xilliga afurka kaddib, ayaa billowday markii weerarro culus lagu qaaday fariisimo ay ciidanka DKMG ku leeyihiin isgoyska Florenca ee degmada Wardhiigley ee Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalku durbadiiba ku fiday Xarunta Madaxtooyada, taas oo sababtay in ciidanka Ethiopia ee ilaaliya xaruntaas ay ku biiraan dagaalka.

Madaafiic ayaa markiiba lagu soo ganay xaafado u dhow suuqa Bakaaraha, taas oo keentay in boqollaal qof oo rayid ah ay isaga barakacaan guryohooda.

Dardar-galin dagaal

Dagaalkan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dardar ay kooxaha la dagaallama ciidanka Ethiopia iyo kuwa DKMG ah galiyeen weerarrada ay ku qaadaan fariisimohooda.

Dagaallada socday dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 50 qof, iyo dhaawaca 150 kale.

Dagaallada ayaa hirar dad ah oo dheeraad ah ku biiriyey kumannaanka kun ee qof ee hore ugu barakacsanaa duleedka Muqdisho.