http://www.bbcsomali.com

21 Sebtembar, 2008, 16:51 GMT; 19:51 SGA

Ayaanle Xuseen Cabdi
BBC Mogadishu

Weerar ka dhacay magaalada Baydhabo

Toddobo isugu jira ciidanka booliiska dowladda KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa ku dhintay dagaal xalay ka dhacan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Warbixinta Weerarka

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii kooxaha ka soo horjeeda dowladda ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada booliiska ee dowladda ay ku lahaayeen Baydhabo.

Laba askari ayaa ka dhintay ciidanka booliiska ee dowladda, sideed kalena waa ay ka dhaawacmeen, sida uu BBC u sheegay taliyaha qeybta booliiska ee Baydhabo Cabdi Macallin, oo intaa raaciyay in shan ay ka dileen kooxaha soo weeraray.

Ammaanka ayaa la xoojiyay magaalada Baydhabo, iyadoo ciidamada heegan laga dhigay si ay uga hortagaan weerarro uga yimaada dhinaca mucaaradka.