http://www.bbcsomali.com

20 Sebtembar, 2008, 12:57 GMT; 15:57 SGA

Saciid Cali Muuse
BBC London

Isticmaalka baasaboor cusub oo Somali ah

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa lagu sheegay in wixii ka danbeeya soddonka bishan September la joojinayo baasabooradii hore ee Somalia oo la isticmaalayey tan iyo dawladii hore ee dhacday 1991.

Warbixinta baasaboorka

Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Maxamed Maxamuud oo u waramayay BBC ayaa sheegay in wareegtadaasi ay ku cadahay in aan la isticmaali karin baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa, isagoo intaa raaciyay in dadka Soomaaliyeed ay dalban karaan baasaboor cusub oo dowladdu ay soo sameysay oo sida uu sheegay la yiraahdo E-Passport.

Afhayeenka waxa kale oo uu ka hadlay war kale oo isla madaxtooyada Muqdisho ka soo baxay oo ku saabsan in shatigii laga qaaday dayuuradaha aan airport Muqdisho ka soo degin, taasi oo shalay ay dawladdu ku dhawaaqday, kadib markii diyaarad aanay ka soo degin kana duulin, garoonka Muqdisho ilaa talaadadii, xilligaasi oo kooxda Islaamiga ah ee Al-shabaab ay ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonaan cidii ka soo degta halkaasi.