20 Sebtembar, 2008, 14:30 GMT; 17:30 SGA
Yusuf Garaad
BBC London
Barnaamijka Falanqeynta waxa uu ku saabsan yahay wada hadalka iyo heshiiska xabad joojin ee u dhexeeya dowladda KMG ah ee Somalia iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta oo la filayay inuu dhaqan galo, laakiin suurta geli waayay.
Barnaamijka waxaa marti ku ah Guddoomiyaha golaha dhexe ee Isbahaysiga Dib u Xoreynta Shariif Xasan Sh Aadan, isagoo dhageystaasha BBC uga jawaabi doona si toos ah su'aalaha ay qabaan ee ku wajahan wada hadalada dowladda iyo mucaaradka.
Xabad joojintaasi oo lagu waday in ay bilaabato Jimcihii ayaa hirgeli waysay, kadib markii duqeyn xoog leh ay ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la duqeeyay diyaarad kuwa militeriga ah oo leeyihiin ciidamada AMISOM markii ay ku soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Dhinaca kale wararka ka imanaya magaalada Djibouti ayaa sheegaya in shirkii kama danbaysta ahaa ee la filayey inay isku yimaaddaan wafuuddii dawladda KMG ah iyo mucaaradka Isbahaysigu, aanayna suurtogelin in la isugu yimaaddo ka dib markii isbaysiga mucaaradku ay diideen inay soo fadhiistaan shirka, iyagoo sabab uga dhigay joogintaanka shirka ee safiirka Ethiopia.